Home Wararka Maanta Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

0

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ka jawaabay warbixinta ayaa ku macneeyay tallaabo muujinaysa quus ay dowladda Soomaaliya taagan tahay.

“Tani waa isku day quus ah oo aan meel haysan oo ay ku kacday dowladda fashilantay ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan. “Waxay muujinaysaa rajiim musuqmaasuq ku dhisan oo naftu kasii baxayso, kaasi oo ku hawlan hawlgal ismiidaamin ah. Mana jirto wax ay ka qaban karaan aqoonsiga soo socda ee Somaliland.”

Dhanka kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka, Danjire Bashiir Good, ayaa sheegay in Berbera ay ku taallo dal Soomaaliya jaar la ah, isla markaana aysan dowladda Soomaaliya shaqo ku lahayn. Waxa uu xusay in la meelmariyay xeer dhigaya in Washington si toos ah ula shaqayso Somaliland, sidaa darteedna aan loo baahnayn cid saddexaad.

Danjire Good ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay si joogto ah ula shaqayso Maraykanka, isla markaana labada dhinac ay isla eegayaan sida Maraykanku uga faa’iidaysan karo Berbera. Waxa uu xusay in waftiyo kala dambeeyay oo ka socda AFRICOM ay yimaadeen Berbera si ay u qiimeeyaan xaaladda.

Jariidadda Semafor ayaa sheegtay in ay heshay waraaq uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga codsanayo Maraykanka in uu la wareego dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo saldhigga ciidanka ee Balli-doogle, si Washington looga joojiyo inay aqoonsato Somaliland.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay HOL ayaa beeniyay warbixinta Semafor, iyaga oo ku tilmaamay war aanay waxba ka jirin.

Inkasta oo dowladda Maraykanku ayna weli ka hadal waxa ka jira sheegashada Semafor, haddana Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, J. Peter Pham, oo ka falceliyay warbixinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay samaysay codsi dadka Maraykanka u ekaysiinaya doqmo, maadaama ayna gacanta ku hayn Berbera iyo Boosaaso.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga
Next articleFahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan