Home Wararka Maanta Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka moocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ciidanka soo furteen hub iyo saanad ciidan oo kooxdu laheyd.

Taliyaha guutada 9-aad Gaashaanle Yoonis Aadan ma uusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay kooxda Al-shabaab uga dileen dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday.

Howlgalkaan ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Abagbeeday ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay la sheegay in kooxda Al-shabaab ee lagusoo jabiyay howlgalada ka socda Shabeellaha Dhexe inay buux dhaafiyeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

 

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleXamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga