Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay...

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

0

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen.

Muwaadiniintan, oo u badnaa dhalinyaro, ayaa sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin jirdil, cunto la’aan, iyo daryeel la’aan caafimaad. Sida ay sheegeen, waxay u xirnaayeen si sharci darro ah xilli ay ku sugnaayeen Libya iyagoo doonayay inay u sii gudbaan dalal kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo hay’ado caalami ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyagoo sheegay inay la tacaalayaan sidii muwaadiniintan dib loogu dajin lahaa loona caawin lahaa.

Qaar kamid ah dhallinyarada dalka kusoo laabtay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin inay dalka dib ugusoo laabtaan, iyagoo sheegay inay rafaad adag kala kulmeen dalka Libiya. Waxay sheegeen inay iyagu iskood u go’aansadeen inay dalka kusoo laabteen, kaddib markii qaar badan oo kamid ah saaxiibadooda ay xabsiyada ku geeriyoodeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Isxaaq Maxamuud Mursal oo kamid ah masuuliyiinta garoonka kusoo dhoweeyay dhalinyaradan ayaa sheegay, Dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay dalka dib ugu soo celiso cid walba oo duruuf adag kala kulanta tahriibka.

Wasiir Isxaaq Mursal wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso wacyi galinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kuwa haatan jooga looga celiyo safarka tahriibka ee halista ku ah naftooda iyo maalkooda.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleFalastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya
Next articleCaalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga