Home Wararka Maanta Wasiirad hore oo Sharaxday sababta Muqdisho uga yaradeen Qaraxyada

Wasiirad hore oo Sharaxday sababta Muqdisho uga yaradeen Qaraxyada

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku sheegtay sababta keentay iney yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho in gaadiidka lagu qasbay xirashada sumadda u gaarka ah (Taarikada).

Waxay sidoo kale tilmaamtay in sidoo kale baraha hubinta gaadiidka la geeyay agab casri ah oo lagu hubiyo gaadiidka isaga kala gudbaya Muqdisho dhexdeeda kaasoo lagu xaqiijiyo gawaarida diiwaangashan ee soo maray nidaamka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hawada.

“Qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho waxaa ku yareynay Gaadiidka ayaan diiwaangelinay oo taariko ku xirnay, Muqdisho way adag tahay in maanta uu maro gaari aan summad lahayn, awalna kuwo badan oo sumad laheyn ayaa yaaci jiray gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo caqabad ku ahaa amniga guud ee Caasimadda” ayay tiri Fardowsa Cismaan Cigaal Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Fardowso Cismaan ayaa xustay in labadii sano iyo dhowrkii bilood ay joogtay Wasaaradda iney xoogga saartay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan mideynta sumadaha kala duwan ee gaadiidka oo caqabado badan ku qabay dhinaca ka gudubka Xuduudaha.

Hadalkaan kasoo yeeray Fardowso Cismaan Cigaal ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay amniga guud ee Muqdisho uu ahaa mid aad u wanaagsan, waxayna hadalkaan ka sheegtay munaasabad ay xilka ku wareejineysay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleWarbixin laga soo saaray Shil Diyaareed oo ka dhacay Duleedka Muqdisho
Next articleMagaalada Tottenham ee dalka Ingiriiska oo lagu dilay Wiil Somali ah