Home Wararka Maanta Booliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

Booliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

0

Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada dhinac ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan lagu qabtay gaari bas ah oo Booliisku ku sheegay in horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, gaariga la qabtay waxaa watay koox hubeysan oo Booliisku ku tilmaamay maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaas oo horay loo oran jiray PSF.

Booliisku wuxuu sheegay in gaarigan la doonayay in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, balse lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayeen gaari kale oo ay saarnaayeen dabley hubeysan.

Sida Booliisku sheegay, markii ay ciidanka amniga ay isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa rasaas ku furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

“Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Booliisku wuxuu intaa ku daray in dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doono sharciga, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga.

“Cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu yiri Booliska Puntland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca PSF oo lagu eedeeyay inay gaarigaan kasoo dhaceen hay’adda hantidhowrka Puntland. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa laga cabsi qabaa inay dib usoo kiciso xiisaddii u dhaxaysa Puntland iyo ciidanka PSF, kuwaas oo horey ugu dagaalamay magaalada Boosaaso.

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo

Falastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan,
Ad
Previous articleXulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka
Next articleDowlada oo sheegtay in Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ay ka Qaxeen Jilib