Home Wararka Maanta Xulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa...

Xulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka

0

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay barbaro 0-0 ah.

Kulankaan ayaa ahaa mid Xalay Xulka Qaranka Soomaaliya ay sameeyeen difaacasho badan, marka loo eego qaab ciyaareedkii horay loogu yaqiinay ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliya.

Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur ayaa kulankii Xalay xulasho fiican ku sameeyay ciyaartoyadiisa uu kala hortagay dhigooda dalka Guinea, waxaana kulankaan uu ahaa mid ciyaaryahanada Soomaaliya ay ka dhisnayeen dhan difaaca.

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhamaadkii kulanka iska khasaariyay fursad aad muhiim ugu aheyd Soomaaliya oo ay ku heli kareen sadax dhibcood oo nadiif iney ka qaataan dhigooda dalka Guinea.

Kulankii Xalay ee barbar dhaca kusoo idlaaday ee dhexmaray Xulalka Soomaaliya iyo Guinea, waxaa ciyaaryahankii ugu wanaagsana noqday oo abaal marinta garoonka qaatay Goolhayaha Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac, kadib markii uu sameeyay 15 badbaadin.

Labada xul ee xalay wada ciyaaray ee Soomaaliya iyo Guinea ayaa qiimeynta FIFA ugu dambeysay ee la soo saaray bishii Febraayo 2025, waxeey kaga jiraan, xulka qaranka Soomaaliya wuxuu ku jiraa kaalinta 202aad, halka xulka Guinea uu qiimaynta kaga jiro kaalinta 78-aad.
Ugu dambeyntii Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalinta talaadada ah la ciyaari doono xulka Botswana kulan ka tirsan isreeb reebka Koobka Aduunka, Soomaaliya  ayaa hal dhibic ka heshay shan kulan oo ay ciyaartay İsreebreebka koobka adduunka 2026.

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo

Falastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan,
Ad
Previous articleMuuqaal Duube ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu qabtay Koonfur Galbeed
Next articleBooliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe