Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumida deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay masuuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado dagaalka argagixisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sawiro

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka

Caasimada Khartuum inteeda badan oo laga saaray Kooxda RSF

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga
Ad
Previous articleCaasimada Khartuum inteeda badan oo laga saaray Kooxda RSF
Next articleDowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay