Home Wararka Maanta Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

0

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qurbajoog ka yimid Ingiriiska uuna dalka u joogay arrimo la xiriira dhaxal sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Geeridiisa ayaa la ogaaday 48 saac kadib, markii Maamulka Hotelka ay shakiyeen, waxaana la jabiyey albaabka qolka uu degenaa markii uu la furi waayey.

Laanta Dambi Baarista (C.I.D) ayaa qaaday meydka marxuumka, waxaana la baarayaa sababta geeridiisa.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in marxuumka uu xanuunsanaa isla markaana uu isticmaali jiray dawooyin intii uu degenaa hotelka.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya

Magaalada Muqdisho oo lagu xiray askari Taraafika ah oo dil u geeystay wade mooto bajaaj

War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer
Ad
Previous articleMadaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump
Next articleKooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya