Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidanku ugu dambeyn lagu guuleystay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigo.
“Ciidanka Booliiska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen eedeysane Yaxye Maxamed Abees, oo caawa fiidkii ku dilay Marxuum Guuleed Maxamed Yuusuf xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa,” ayaa lagu yidhi qoraalka Booliiska.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada ay sameeyeen hawlgal iyo dadaal dheer, waxaana eedeysanaha lagu qabtay kantaroolka galbeed ee magaalada. “Eedeysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka,” ayuu sii raaciyay qoraalka booliisku.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca degmada Maxamed Mooge muddo kooban gudaheed, iyadoo dhowaan halkaas lagu dilay taliyihii saldhigga booliiska ee degmada. Iyadoo markii la aasay kadib, gacan ku dhiiglihii falkaas geystayna la qisaasay.
Haddaba, Booliisku ma sheegin sababta keentay dilkan danbe iyo hubka loo adeegsaday midna.