Home Wararka Maanta Xog: Alshabaab oo Dagaalkii ay ku qaadeen Shabeleada Dhexe imisa Magaalo ayay...

Xog: Alshabaab oo Dagaalkii ay ku qaadeen Shabeleada Dhexe imisa Magaalo ayay ilaa Hada Si buuxda uqabsadeen?

0

Kooxda alshabaab oo dhawaan weerar culus kusoo qaaday Gobalka Shabeelada Dhexe ee Maamul Goboleedka Hirshabeele Alshabaab ayaana Ciidamadoodii ugu badnaa oo lagu qiyaasay Sadex kun oo askari Galisay Gobalka Shabeelada dhexe.

Kooxda Alshabaab ayaana weeraro Kal joogsi lahayn Ku qaaday Gooba Badan oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Dhexe kuwaas oo  qaarna lagu jabiyay qaarna ay qabsadeen.

Kooxda lashabaab ayaa Haatan Si Buuxda Gacanta Ugu Haysa Deegaano lagu magcaabo afarta Tuulo kuwaas oo kala ah Ceelbaraf, Miirtaqwo, Cali fooldheere iyo Magaalada Biyacade Magaalooyinkaan waxaa Alshabaab laga Saaray laba sano kahor.

Alshababa ayaa Xalay isku dayay inay Weeraraan Degmada aadan yabaal Madaama ay Xasiliyeen Deeganada afarta Tuulo Dowlada Soomaaliya ayaa ayana isku dayaysa inay Gacantooda kusoo celiyaan Magalooyinka laga qabsaday.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Taliye odawaa oo xalay la kulmay Beesha Abgaal ee Dagta Meelaha la qabsaday iyo Gobalka shabeelada dhexe ayaa la sheegay inay isku raaceen inay weerar rogaal celin ah la qaado isla markaasna Alshabaab laga saaro meelaha Ay qabsadeen ee beesha abagaal dagto.

Beesha abgaal ayaana La sheegay inay xalay Direen ciidamo Badan iyo gaadiid Dagaal oo farabadan kuwaas oo ay kusoo ceshan doonaan meelaha laga qabsaday.

Hadii Dowlada Soomaaliya ku guul daraysto arinkaan alshababaab ayaa igudbi doona Gobalka Hiiraan oo Haatan inta Badan laga soo saaray iyo Galmudug oo Tira aan badnayn oo alshabaab ah oo go,doosan joogaan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleTrump oo soo saaray Go,aan Dowlada Soomaaliya si wayn u saameeyey
Next articleDowladaha Carabta iyo Qaramada Midoobay oo cambaareeyay tallaabo ay qaadday Israa’iil