Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo qadeegsaday madaafiic oo xalay lagu qaaday qaybo kamid ah gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaafiicda ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin halkaasi, balse ma gaysan wax khasaare ah.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay madaafiicda kasoo tuurayeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortag sameeyeen ciidamada huwanta.
Sidoo kale, waxaa hawada sare lagu arkay diyaarado dagaal oo iyaguna dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay aagga degmada Aadan Yabaal, taas oo keentay inay kala firxadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee soo gaaray halkaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baaris ku aadan weerarkaasi, waxayna sheegeen inay soo qabteen dad tuhmanayaal ah oo loo haysto inay hagayeen weerarka madaafiicda ee xalay lagu beegsaday degmada Aadan Yabaal.
Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana aagga degmadaas isku fidiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda oo diyaar u ah inay ka hortagaan Shabaab.