Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Culus oo ka socda koonfurta Gobalka Mudug

Dagaal Culus oo ka socda koonfurta Gobalka Mudug

0

Saakay waaberigii Hore ayaa Ciidamada Deegaanka Macawislayda iyo Daraawiishta Galmudug Waxay Dagaal Gaadmo ah ku Qaadeen Kooxda Alshabaab ee Lu Sugnaa Magaalada Bacaadwayne.

Alshabaab oo Dagaal Qaraar kala Hortagay Ciidamada Galmudug iyo Macawislayda Deegaanka Dagaalka ayaana La Xaqiijiyay inuu aad ucuslaa.

Alshabaan oo aan dagaalkaan u diyaar garoobin Ayaa La sheegay in Durbaba Laga Saaray Magaalada Bacaadwayne oo Haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Darwiishata Galmudug.

Alshabaabka Ku sugan Galmudug ayaa  lasoo warinaayaa inay aad u yaryihiin Go’doona ku jiraa madaama lakala Jaray ayaga Iyo Saxibadoodii Hiraan uga Imaan Jiray.

Lama oga Khasaraaha Ka dhashay Dagaalkaan oo Goordhow soo Gababagaboobay Saraakiisha Galmudug ayaan la Filayaa inay gordhow Warbaahinta la Hadlaan.

Ad
Previous articleImaaraadka oo niyad jab ka muujiyay Dib u dhiska GAZA
Next articleCabdi Wabiir hogaamiyihii Macawisleyda ee AS u tagay oo lasoo xiray