Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo kusoo jeedo Soomaaliya, kadib casuumaad uu ka helay dowladda federaalka.
Ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyay, iyada oo dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diyaar u ah inay xaqiijiyaan amniga guud, maadaama uu imaanayo wafdi culus, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo guud.
Sidoo kale waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya.
Sawirrada Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu dhajiyay bartamaha magaalada, iyada oo soo dhaweyn heer sare loo sameynayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Labada mas’uul ayaa ku kulmi doono xarunta Villa Soomaaliya oo saaka laga dareemayo mashquul xooggan iyo u diyaar garowga imaanshaha Abiy Axmd.
Sida aan ogaanay, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya.
Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM