Dagaal aad u qaraar ayaa Duhurnimadii Maantay Mar qura Ka Bilowday Degmada Ceel baraf Dagaalkaan ayaa yimid Kadib Markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawislayda Dagaal qorshaysan lagu qaaday alshabaabkii maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Ceelbaraf.
Dagaalka maantay ayaa ahaa mid cir iyo dhul ah oo waxaa hawada sare ka duqaynaayay Diyaaradaha Dagaalka Dagaalka ayaana ahaa mid Culus oo ugu danbayn Alshabaab ku qasabtay inay Ka Baxaan Degmadaan oo Asbuuc ka hor ay qabsadeen.
Shalay ayay ahayd Markii Alshabaab Hal mar weerar qorshaysan Ku qaadeen Laba Deegaan oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Dhexe Kuwaas oo khasaaro ba,an alshabaab lagu gaarsiiyay.
Alshabaab ayaa haatan wali haysta Deegaanka Ceel Cali axmed Daarunimca iyo Cali Fooldheere oo Ciidamada Dowlada Dhawaan kala wareegeen.
Alshabaab ayaa Ciidamadii ugu badnaa Keenay Gobalka Shabeelada Dhexe Qorshaha alshabaab ayaana Lagu sheegay inay doonaayaan inay Isku Furtaan Galmudug iyo Hirshabeele oo Horay Ciidamada Dowladu ukala jareen.