Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad milatari oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay ku dhacday deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaalla gobolkaas, kadib cilad soo wajahday.
Diyaaradda oo ahayd Helicopter ayaa lasoo wariyay inay ku dhacday aagga deegaanka Kunyo-barrowe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la socday duuliyaha iyo laba nin oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddexda qof ee saarnaa diyaaradda ay ka bad-baadeen shilka, iyaga oo ka booday diyaaradda markii ay ciladda dareemeen.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale ku warramay in duuliyaha iyo labada nin kale ay u baxsadeen dhanka xeebta, halkaasina ay ka raaceen doon ay uga baxsadeen Al-Shabaab.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan diyaaradda ku dhacday deegaaka Kunyo-barrow ee gobolka Jubbada Hoose.
Kenya ayaa ka qayb-qaadata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.