Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhigii ay Dageen Ciidamadii...

Alshabaab oo Dagaal Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhigii ay Dageen Ciidamadii Ka yimid Wisil ee Gaaray Shabeelada Dhexe

0

Dagaal Qaraar oo ku Bilowday Qaraxyo ayaa Xalay Saqdhexe Kooxda Alshabaab Ku qaadeen Saldhigii Ay Dageen Ciidamadii kasoo Baxay Wisil iyo Dhusaamareeb kuwaas oo Shalay uun Saldhig Ka samaystay Shabeelada Dhexe.

Ciidamadaan ayaa Shalay La dajiyay Deegaanka Cabdow Gureey oo Hoostaga Degmada Buula Burte Wuxuuna u dhowyahay Deegaanka Beerayabaal ee Dhawaan Alshabaab Laga Saaray.

Ciidamada Galmudug iyo Kuwa xooga oo kaa shanaaya Macawislayda Deegaanka ayaa Alshabaab Amaara 10 saac oo habeenimo kala kulmay Dagala qaraar oo ku Bilowday Qaraxyo.

Dagaalkaan ayaana Soo gaaray ilaa saakay Salaadii Subax wali lama Oga Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkaan Balse Alshabaab ayaa Haatan Xoogoodii isugu keenay Gobalka Shabeelada Dhexe Kuwaas oo ay Doonaayaan inay Dib u hantiyaan.

Lama oga Khasaaraha Rasmiga ah ee kala Gaaray Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada kuwa Galmudug iyo Macawislayda Deegaanka balse waxaa la xaqiijiyay in Kooxda Alshabaab Dib ugu laabteen Halkii ay kasoo Duleen.

Ad
Previous articleBurcadad Badeed Soomaali ah oo Dhawaan markab qabsaday oo arin layaab leh Sameeyey
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Saldhigii Ay joogeen Ciidamada Galmudug ee Hirshabeele