Doorashooyinka dalka Jarmalka waxa ku guuleeystay xisbi cusub oo muxaafid ah kaas oo lagu magacaabo CDU/CSU, halka xisbiga mididgta fog ee (AfD) ee kasoo hor jeeda soo galootiga uu soo galay kaalinta labaad taas oo ay u badantahay in uu qeyb ka noqdo dowladda wadaag ah oo dalkaasi yeesho.
Ra’iisulwsaaraha xafiiska baneenaya Olaf Scholz’s ayaa xisbigiisa ‘Social Democrats’ uu helay natiijadii ugu xumeyd ebed taas oo ah 14%.
Xakamaynta socdaalka iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ugu wayn ee Midowga Yurub ayaa ah arrimaha ugu waaweyn ee doorashadan degdega ah harreeyay, taas oo ka dhalatay burburkii isbahaysigii hoggaamiyaha bidix-dhexe ee Olaf Scholz dabayaaqadii sannadkii hore.
Waxa ay cabsi weyn ka jirtay in dadka muhaajiriinta ah in la celiyo, markii ay natiijadu soo baxdayna waxa sii kordhay cabsida ay qabaan dadka muhaajiriinta ah
Haddaba waa sidee dareenka dadka soo galootiga ah ee jarmalka si guud iyo gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan Jarmalka?
Axmed Cabdulqaadir Axmed oo loo yaqaan (Baaba Jeey) oo Jarmalka ku sugan ayaa BBCda u sheegay in aanay ku faraxsaneyn in uu xisbigani uu soo baxo oo uu ku guuleysto doorashooyinka Jarmalka, maadaama aan ka mid nahay buu yiri dadka ku nool dalka jarmalka ee sharci sugayaasha ah.
Baaba Jeey mar uu ka hadlayey waxyaabaha ay cabsidoodu salka ku hayso waxa uu sheegay in isaga gaar ahaan markii uu dalkan soo galay uu rajeynayay in uu caafimaad iyo nolo daryeel leh uu ka heli doono Jarmalka, maadaama uu naafo yahay, balse haatan wax walba isbadalayaan dhankiisa.
“Maadaama aan dadka ka duwanahay oo aan baahiyaha gaarka ah qabo, taas oo aan is dhahayey in aan fursad caafimad ka helo Jarmalka oo aan lugahayga aan dib ugu istaago, ayaa hadda rajadeyda oo dhami dhimatay oo wax ay noqotay mid ceel ku dhacday”, ayuu u sheegay BBC da Baaba Jeey.
Baaba Jeey waxa uu sheegay in uu helay diidmo ah codsigiisa magangalyo doonka, isaga oo sheegay in markii labaadna ay maxkamadu diidday racfaankiisa.
“Gobolka aan hadda joogna waxa ay iisoo direen warqad ay ku leeyihiin in aan waddanka ka baxo.” ayuu sheegay Baaba Jeey.
Isaga oo sii fasirayey cabsida weyn ee haysa waxa uu sheegay in ay laba qodob ay tahay; tan koobad oo ah in dib loogu celiyo dalka Poland oo uu markii hore ka yimid iyo qoddobka labaad ee ah in toos loogu celiyo Soomaaliya taas oo aanu hubin sdia ay ku dhaceyso.
Baaba Jeey waxa uu sheegy waqtiga kasoo baxay iyo meelaha uu soo maray iyo sida aan loo ogolaan codsigiisa “in ay ku tahay murugo aad u weyn”.
Dadka Soomalida ah ayuu sheegay in ay dhibaataooyinkaas uu soo sheegay ay la wadaagaan oo cabsi badan ay qabaan, taas oo ay ka cabsanayaan go’aanada kasoo bixi doono xisbiga cusub ee talada qabsaday kuwaas oo ku aadan dadka galootoga ah.
Kuwa hadda jooga mar haddi ay la kulmeen natiija noocaas ah waxaa suurta gal ah in dadka cusub ee imaan doonaa aan lasoo dhaweyn doonin, sida ay dad badan qabaan.
Baab jeey oo ka warramayey safarkii uu ku yimid dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu soo maray dhul dheer laga soo bilaabo Sacuudiga, Ruushka, Belarus, Poland ilaa uu jarmalka ka yimaado, waxaana uu sheegay in muddo lix bilood ah ay ku qaadatay in uu Jarmalka yimaado.
Waxa uu sheegya in wixii uu ku arkay intii uu safarka ku jiray iyo wixii uu filayey ay kala yihiin Kaaf iyo kala dheeri.
Safarada tahriibka ah ma aha kuwa fudud, waxaana ku baxa qarash badan.
“Waxa ay u baahntahay calool adeyg, in aad baahida u adkeysan kartid, iyo in aad dulqaad leedahay ” ayuu yiriy Baaba Jeey oo intaas ku daray in meel looga tagay oo kadib laba saac kadib dib loogusoo laabtay waqtigii uu tahriibka ku jiray.
Baaba jeey waxa u sheegay in markii uu dalka Jarmalka uu soo galay uu aad u farxay, laakin waqti xaadirkan natiijada uu hasyto aanay ahayn mid lagu farxi karo, in kasta oo laga yaabo buu yiri in maalmaha soo socdo ay wax is bedeli karaan.