Home Wararka Maanta Wiilka Raysulwasaaraha Israail oo aabihiis Feeray iyo Waxa lagu samaynaayao

Wiilka Raysulwasaaraha Israail oo aabihiis Feeray iyo Waxa lagu samaynaayao

0

Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Israa’iil, Naama Lazimi, ayaa sheegtay in wiilka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la masaafuriyay kaddib markii uu feeray aabbihiis.

Lazimi waxay hadalkan ka sheegtay kulanka Guddiga Maaliyadda ee baarlamanka Israel ama Knesset-ka, iyadoo soo hadal qaadday maalgelinta safarka xaaska Netanyahu, Sara Netanyahu, ee Maraykanka iyo kharashaadka amniga ee loo qoondeeyay wiilkooda Yair Netanyahu, oo ku nool magaalada Miami.

“Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo joogitaanka muddo laba bilood ah ee xaaska Ra’iisul Wasaaraha, Sara Netanyahu, ee dibadda. Waxaan rabaa inaan ogaado cidda maalgelisay safarkan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyadda laga bixiyay,” ayay tidhi Lazimi.

Waxay intaa ku dartay: “Waxaan sidoo kale wax ka weydiinayaa wiilka Ra’iisul Wasaaraha, Yair Netanyahu. Warbixin hore ayaa sheegtay in amnigiisu ku kacayo illaa NIS 2.5 milyan (US$701,000) sanadkiiba.”

“Waxaan rabaa inaan ogaado in lacagtaan weli miisaaniyadda ku jirto iyo in wali lagu taageerayo joogitaanka wiilka Ra’iisul Wasaaraha dibadda, maadaama uu garaacay aabbihiis, taasoo lagu tilmaami karo dhaawac gaaray awoodda dowladeed.”

Markii xildhibaannada kale ay su’aalo ka keeneen sheegashadeeda, Lazimi waxay ku adkaysatay in wiilka Netanyahu “loo masaafuriyay dibadda.”

“Naama Lazimi waxay lumin doontaa xasaanaddeeda oo ay bixin doontaa magdhaw, qof kasta oo faafiya beentaan xunna dacwad ayaa lagu soo oogayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xisbiga Likud.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska The Times of Israel bishii Maarso 2024, kharashaadka amniga ee Yair Netanyahu inta uu ku nool yahay guri raaxo leh oo ku yaalla Miami – oo ay ku jiraan darawal iyo ilaalo ka tirsan cutubka 730 ee Shin Bet – ayaa gaaraya 200,000 shekel (qiyaastii US$56,000). Arrintan ayaa noqotay dood sii xoogeysanaysa oo ka dhex taagan siyaasadda Israa’iil.

Amniga Yair ayaa la xoojiyay kaddib markii ay sii kordheen isku dhacyada militariga ee Israa’iil iyo Iran.

Xaaska Netanyahu, Sara, iyo wiilkooda kale Avner ayaa sidoo kale ilaalo ka hela hay’adda Shin Bet. Netanyahu laftiisa waxaa baadigoobaya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taasoo ku eedeysay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya shacabka Israa’iil, maadaama qoysaska maxaabiista ay Xamaas ku hayso Gaza ay ugu baaqayaan inuu dedejiyo dadaallada lagu soo deynayo ehelladooda.

Ad
Previous articleTaliyayaasha Ciidamada Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Heshiis Muqdisho ku kala Saxiixday(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Xalay gaaray si wayna loogu soo dhaweeyey Dalka ……