Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo kahadashay Safarkii Rooble Xili uu Baasaboor kale ku safray

Dowlada Soomaaliya oo kahadashay Safarkii Rooble Xili uu Baasaboor kale ku safray

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, loo diiday warqaddii habraaca baasaboorka Diblomaasiga ee uu ugu safri lahaa dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyay in wasaaradda ay wax is-hortaag ah ku sameysay dalabka Ra’iisul Wasaarihii hore ee habraaca baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si uu ugu safro dalka dibadiisa, xilli uu shalay ku dhoofay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka heysto ee Sweden.

Danjire Fiqi ayaa tilmaamay in Rooble uu yahay masuul ay ixtiraam weyn u hayaan, maadaama uu meel halis ah uu kasoo saaray dalka xilligii doorashadii 2022-kii ee dowladii madaxweyne Farmaajo, sababna u ahaa doorashadii uu hoggaanka cusub ku yimid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in warqaddii uu Rooble ku dalbanayay in la mariyo habraaca safarkiisa ay ka jawaabeen 1-dii bishaan Febraayo, islamarkaana aysan jirin diidmo xagooda ah oo Ra’iisul Wasaarihii hore ugu baxay baasaboor dal kale.

“Waxaan haynaa warqaddii aan u qornay isaga iyo wafdigiisa 1-dii bishaan Febraayo, mana ogin meel dalabkiisa lagu diiday, kaliya waxaan ka maqalnay iyadoo meelaha la wad-wado. Rooble xitaa meel uu ku yiri waxbaa la ii diiday ma jirto, markuu hadlo ayay dowladda si toos uga jawaabi doonta,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Habraaca ay beenisay dowladda in loo diiday Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa qofka mas’uulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo wadanka uu u socdo uu ku tegayo, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradda dalka uu u socdo iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo mas’uulka, safarkiisana ay uga warqabaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble ka hor istaagtay habraaca baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si uu ugu safro dalka dibadiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika, ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleImaaraadka Carabta oo Wali Sii Wada Ku xadgudubka Qaranimada Soomaaliya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay in loo Diiday inay ku biirto Dagaalka Puntland kasocda