Home Wararka Maanta nin darwal ahaa oo dad badan ku laayay magaalada Munich

nin darwal ahaa oo dad badan ku laayay magaalada Munich

0

Darawal ayaa gaari ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista, taasoo keentay dhaawaca ugu yaraan 20 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada ka dhacday meel u dhow faras magaalada Munich abaare 10:30 subaxnimo, oo ay ku jirto in si kas ah loo beegsaday dadka iyo in kale.

Booliska ayaa barta X ku sheegay in darawalka “lagu qabtay” goobta, isla markaana uusan hadda khatar ku haynin dadka. Goobta shilka waxaa yaallay gaari nooca Mini ah oo burburay.

Adeegga dab-damiska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen shilka, qaar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u daran tahay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee DPA.

Duqa magaalada Munich, Dieter Reiter, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdadan, wuxuuna xusay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay.

Xilliga ay dhacdadu dhacaysay, waxaa goobta ka socday dibadbax uu qabanayay ururka shaqaalaha adeegyada ee ver.di. Lama xaqiijin in dadka dibadbaxayaasha ka mid ah ay ku jiraan dhaawaca.

Ad
Previous articleDagaal maantay Markale dhexmaray beelaha Sacad iyo laylkase
Next articleDowlada itoobiya oo goob fagaare ah uga Guulaystay Soomaaliya