Home Wararka Maanta Alshabaab Damacsanaa inay Xarardheere Weeraraan oo Dagaal Culus lagu qaaday

Alshabaab Damacsanaa inay Xarardheere Weeraraan oo Dagaal Culus lagu qaaday

0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Xararardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmadaasi.

Howlgllada oo qaatay saddex maalmood oo xiriir ayaa waxaa si wada jir ah u sameeyay Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka Xoogga, qeybtooda 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa gaaray deeaanno ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo dhammaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan looga hortagay dhagar ay soo maleegeen Al-Shabaab oo xubnahooda ay isku uruursanayeen halkaais.

“Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in kooxda la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Xarardheere oo ah meesha ay isku hayaan dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMuxuu ahaa Heshiiska Dowlada Soomaaliya la saxiixatay Imaaraadka Xili uu ku xad gudbay qaranimada Soomaaliya?
Next articlePuntland Lacag tii Ugu badnayd ee ay ka heleen Kooxda Daacish