Home Wararka Maanta Muxuu ahaa Heshiiska Dowlada Soomaaliya la saxiixatay Imaaraadka Xili uu ku xad...

Muxuu ahaa Heshiiska Dowlada Soomaaliya la saxiixatay Imaaraadka Xili uu ku xad gudbay qaranimada Soomaaliya?

0

Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa shalay gaaray heshiis xal looga gaarayo dayn dhan $257 milyan oo doolar.

Dayntaas oo ay dowladii dhexe ee Soomaaliya qaadatay kuna maal-galisay mashruucii Warshadii Sokorta Jubba, ayaa wada-xaajood muddo dheer socday kadib maanta si rasmi ah heshiis looga gaaray.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula fal-galo ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu dhabaha u xaaraya helista maal-galin cusub oo dib loogu maal-gelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo baahi wayn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd maal-galin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka kadib markii laga cafiyay deymhii adduunku kulahaa.

Daba-yaaqadda sanadkii 2023-kii ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Ad
Previous articleHashim Dagane oo kenya gabdho soomaaliyeed kulaayay oo Xog Cusub kasoo korartay
Next articleAlshabaab Damacsanaa inay Xarardheere Weeraraan oo Dagaal Culus lagu qaaday