Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Qaatay Inkabadan Lix Saac oo Alshabaab nool lagu Soo Qabtay oo...

Dagaal Qaatay Inkabadan Lix Saac oo Alshabaab nool lagu Soo Qabtay oo Maantay dhacay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow.

Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka.

Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad.

“Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.”

Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.

Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray kampala una Sii Gudbay Wadanka…
Next articleShacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland