Home Wararka Somaliya Galmudug Senator Cabdi Qaybdiid oo Weerar ku qaaday Xasan Shiikh Baaq Culusna Diray

Senator Cabdi Qaybdiid oo Weerar ku qaaday Xasan Shiikh Baaq Culusna Diray

0

Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqangeliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa,” ayuu yiri Senatar Qaybdiid.

Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dibadda. “Ma habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Senatar Qaybdiid, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqangelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii.

Hadalka Qeybdiid ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka ay wax walba u sameyneyso sidii ay doorashadan u dhici laheyd, oo ay ku jirto kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, taasi oo ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”.

“Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.

Ad
Previous articleSSC Khaatuma oo Talaabo Culus u Qaaday Dhanka Soomaaliland
Next articleDawladda Soomaaliya oo tallaal qasab ah ku soo rogtay Shacabka Soomaaliyeed