Home Wararka Maanta SSC Khaatuma oo Talaabo Culus u Qaaday Dhanka Soomaaliland

SSC Khaatuma oo Talaabo Culus u Qaaday Dhanka Soomaaliland

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib tallaabo ay maanta qaaday SSC oo lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabushay jiidda hore ee dagaalka.

Ilo wareedyo dadka deegaanka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ay gaareen aagga deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo difaac ah.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka SSC-Khmaatumo Jenaraal Mubaarak Maxamed Warsame, waxaana Oog kusoo dhaweeyay saraakiil kale iyo ciidamo joogay halkaasi.

Ujeedka SSC-Khaatumo ayaa ah in ciidamadan ay ku xoojiso kuwa kale oo horay halkaasi u joogay, si ay uga hortagaan haddii ay dagaal soo qaado Somalilad.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan deegaanka, waxaana shacabka ku nool halkaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu dib u qarxo.

Horay Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dagaalamay Sool, waxaana weli gobolkan iyo qaybo kale oo kamid ah Sanaag laga dareemayaa colaad u dhexeyso labada dhinac.

Ad
Previous articleDeni oo Si layaab leh uga hadlay Duqayntii Maraykanku ka Fuliyay Buuraha Goolis