Home Wararka Maanta Uganda oo Maxkamad saartay saraakiil ku eedeysan in ay shil geliyeen diyaarad...

Uganda oo Maxkamad saartay saraakiil ku eedeysan in ay shil geliyeen diyaarad u adeegeysay ATMIS

0

Dowlada Uganda ayaa maxkamad soosaartay saddex sarkaal oo katirsan ciidanka Difaaca Dalkaas ee UPDF kaddib markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen shil diyaaradeed oo Bishii Deseembar 2024 ay geliyeen diyaarad u adeegeysay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Diyaaradda shilka gashay ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, waxaa ku dhaawacmay afar askari oo katirsan howlgalkii dhowaan magaciisa la baddelay ee ATMIS kuwaas oo haatan la daweynayo.

Magacyada saraakiishaan ayaa kala ah: Gaashaanle sare George Buga Andruga oo 51 jir ah, Gaashaanle Dhexe Benjamin Kashumbusha oo 43 jiro & Gaashaanle Henry Gygenda oo 38 jir ah waxaana loo heystaa in dayac mas’uuliyadeed.

Maxkamadda Ciidamada Uganda ee GCM loosoo gaabiyo ayaa laga hor caddeeyay eedahaan ay soo diyaarisay xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida Dalkaas, waxaa Maxkamadda laga codsaday in lagu qaado ciqaabta eedahaas lagu soo oogay.

Qodobada lagu eedeeyay waa 150 xarafka (B) ee xeerka u yaalla Ciidanka Difaaca Uganda UPDF, Cutubka 330 ee sida gaarka ah uga hadlaya xeerka Duullimaadka maadaama ciidamadu ay leeyihiin diyaarado dagaal oo loo baahan yahay in xeerar lagu jiheeyo.

Diyaaradda ay adeegsanayeen oo ah aircraft AU0-004 waxa ay u rareen si ka duwan xadka loogu talagalay iyaga oo ka badiyay qaadkii loo qorsheeyay, waxa ay kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Cirka Ballidoogle balse way burburtay.

Waxa ay ku dhacday meel dhinaca Koofur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho oo qiyaastii Caasimadda u jirta 90 Kiilomitir oo u dhiganta (55 Mayl), Duulliyaha ayaa xakameyn waayay diyaaraddaas oo ugu dambeyn dhacday.

Ad
Previous articleGarabka Al-Quds oo digniin u diray Israa’iil
Next articleDiyaar Garowga Erdogaan oo Kasocda Muqdisho