Home Wararka Maanta Raysulwasaare Xamse oo Dab Kusii Shiday Xiisadii Guriga Hooyooyinka

Raysulwasaare Xamse oo Dab Kusii Shiday Xiisadii Guriga Hooyooyinka

0

Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada.

Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha.

“Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

“Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMasar oo Ka Hadashay Sid ay Soomaaliya ka Yeelayso Soomaaliya Kadib Heshiiskii Ankara
Next articleGalmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka bilaabay Dadaalo Nabadeed oo ku aadan Colaada Gobolka Mudug