Home Wararka Maanta Masar oo Ka Hadashay Sid ay Soomaaliya ka Yeelayso Soomaaliya Kadib Heshiiskii...

Masar oo Ka Hadashay Sid ay Soomaaliya ka Yeelayso Soomaaliya Kadib Heshiiskii Ankara

0

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. 

Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii Janaayo 2025.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty iyo Fiqi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal. 

Badar Abdelatty waxa uu xaqiijiyey taageerada adag ee Masar, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, ee ku aaddan qarannimada, madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasillooni. 

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, iyo bixinta kaalmada farsamo si ay u habeeyaan shaqadooda si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleItoobiya oo Codsatay inay Sii joogta Soomaaliya iyo Wafdi Culus oo Soo Gaaray Muqdisho
Next articleRaysulwasaare Xamse oo Dab Kusii Shiday Xiisadii Guriga Hooyooyinka