Home Wararka Maanta Itoobiya oo Codsatay inay Sii joogta Soomaaliya iyo Wafdi Culus oo Soo...

Itoobiya oo Codsatay inay Sii joogta Soomaaliya iyo Wafdi Culus oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Magalaada Muqdisho waxaa yimid maanta wefdi sare oo ka tirsan Itoobiyo oo ka kooban 5 xubnood sida Wasiirka Gashaandhiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada iyo sadex sarkaal oo ka tirsan Nabadsugida iyo Milateriga. Ajendaha kulamada Muqdisho ayaa ah sii wadadida heshiiskii Ankara iyo in ciidamada Itoobiyo qeyb ka noqdaan Howalgalka cusub 2025 ciidamada nabad ilaalinta Somaaaliya ujoogo.

Ilaa iyo hadda waxaa is faham ah hor-dhac ah laga gaaray inay qeyb ka noqoto Itoobiyo howlagalka cusub iyo goobaha ay ka Howalgaleyso oo la isku fahamo, inaksto iyada ay soo jeedisay meel ay ciidamadeeda kaga soo gurman karto inay ka Howalgasho sida Gobaladda Baay, Bakool iyo Gedo. Intaasi marka laga soo tago waxaa jiray dood xoogan oo saacadihii danbe socotay midaas oo ahayd in Itoobiyo ay Dowladda ku wareejiyo magaaloyinka xaduudaha dhaco ee Gedo ku yaalo sida Dolow iyo Luuq.

Ilo kale duwan waxay shegayaan in Itoobiyo ay sheegtay inay magaaloyinkaasi aysan ka bixi karin oo ay ka difaacdo gudaha Itoobiyo si aysan Argagixisada waxyeelo kaga geysan, ciidamada joogana ay iyaga bixiyaan wixii qarash ah oo ku baxayo si amaanka xaduudaha lo adkeeyo. muddo 20 sano ah ay halkaasi ciidamada u jogeen.

Qodobkaan ayaa ahaa mid Dowladda Faderaalka ay rabatay in is faham laga gaaro si Gedo gacanteeda ay usoo gasho oo hadda aysan ku heyn magaaloyinka Dolow iyo Luuq oo Itoobiyo ay joogto. Wefdiga Garbahaarrey joogi ayaa sugayay natiijada kulamada Muqdisho ka soo baxayo iyago rajo ka qabay in isfaham labada dhinac ka garaan magaaloyinka ay tagiwayeen.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleShirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maantay Axmed Kacaan lagu magacaabay
Next articleMasar oo Ka Hadashay Sid ay Soomaaliya ka Yeelayso Soomaaliya Kadib Heshiiskii Ankara