Home Wararka Maanta Soomaaliya oo 54 Sano Kadib ku Biirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

Soomaaliya oo 54 Sano Kadib ku Biirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

0

Soomaaliya ayaa ugu dambeyn si rasmi ah Arbacadii shalay dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn.

Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo ka hadlay guushaan wayn ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u istaagi doonto ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyada oo la dhowrayo axdiga u yaalla Qaramada Midoobay.

“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.

Dhanka kale, si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa helitaanka kursigan ku bixisay dadaallo dheeraad ah, iyada oo ugu dambeyn hanatay, waana guul kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBeesha Sacad oo War Culus kasoo Saaray Dagaalka Sacad iyo laylkase
Next articleSanbaloolshe oo ku Guulaystay inuu Xalinta Askartii Qaran ee Ceelbaraf lagu laayay