Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah...

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah oo 35 sano aan la qaban

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madasha ka hadlay ayaa martida kusoo dhaweeyay hoolka shirka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay farxad u tahay in 35 sano ay Muqdisho ku martigeliyaan Shirka Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed,

Soomaaliya ayaa haatan wax la qaybsaneysa aduunka intiisa kale, waxaana sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay hormaro ballaaran oo ay qayb ka tahay wax la qaybsiga dalalka dhiggeeda ah.

Ad
Previous articleNin Qarax ka Gaystay Kismaayo oo la qabtay Waraysi Cajiib ahna Bixiyay
Next articleJubaland oo Diyaarad Soo saartay Ciidamadii Ugu danbeeyey ee lagu qabtay Raaskanbooni