Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xukuumada Cusub ee Soomaaliland oo ka Hadashay Heshiikii Soomaaliya iyo Itoobiya

Xukuumada Cusub ee Soomaaliland oo ka Hadashay Heshiikii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii uu Muuse Biixi la saxiixday Abiy Axmed.

Xisbiga haya talada Somaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta gobollada bariga ee deegaanada Somaliland, aafimaadka iyo dhismaha waddooyinka.

Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal, anaga waxaan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

“MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso, haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirina laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kadib ayaan go’aan laga gaari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeen u hadlay Wadani.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah ayaa sheegay in uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya.

“Arrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleHeshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya oo Filanwaa ku noqday Masar iyo Eriteeriya
Next articleMaraykanka oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara