Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada oo Alshabaab kala Wareegtay lacag Halmalyan oo doolar ah

Dowlada oo Alshabaab kala Wareegtay lacag Halmalyan oo doolar ah

0

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay inay Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegtay lacag ku jirtay mid kamid ah Akoonada ay isticmaalaan, sidoo kale waxaa la burburiyey shabakad dhanka maaliyadda u qaabilsaneed kooxda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagta ay dowladdu la wareegtay waa hal Milyan oo doollar oo laga helay akoonada Al-Shabaab, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa shaaciyey in lacagtaas lagu shubay qasnadda dowladda.

“Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale waxaa la xayiray akoono kale oo Shabaab looga shakiyey, kuwaas oo malaayiin doollar ay ku jirto, waxaana ku socda baaritaan.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay in argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay shacabka ku waxyeeleeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Koontooyinkan marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada loo gudbinayo Maxkamadda.

“Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qaraalka.

Ugu dambayntii warkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu farayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.”

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleHogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei oo wacad maray
Next articleDowlada Imaraadka oo La Hadashay Heshiika Soomaaliya iyo Itoobiya