Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Axmed Madoobe oo Hadlay Kadib Dagaalkii Raaskanbooni

Axmed Madoobe oo Hadlay Kadib Dagaalkii Raaskanbooni

0

Madaxtooyada Jubaland ayaa mar kale war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii Arbacada ka dhacay deegaanka Raas Kaambooni ee dhex-maray ciidamada maamulkaas iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jubaland ayaa ku eedeysay dagaalka inuu soo abaabulay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa, oo ay sheegtay in ay u arkayeen inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), sida hadalka loo dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Soomaaliyeed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.

Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay Sidoo kalana ayna qeyb ka ahayn deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.

Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaannada weli ku jira gacanta Khawaariijta ayaa loo isticmaalay deegaan nabdoon oo ka xoroobay Khawaariijta sanadkii 2011ka.

Waxaa tusaale muuqda ah in deegaannada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaariijta iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.

Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.

Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah.

Sidoo kale dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga waxaana loola dhaqmayaa si sharaf leh, dhaawacyada waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.

Ugu dambeyn Dowladda Jubaland waxay Caddeeynaysa mowqifkeeda ah in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasulka

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlada UK oo Ka Hadashay dagaalkii Raaskanbooni ee Shalay
Next articleHogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei oo wacad maray