Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Raskambooni oo ahaa Fadeexad Qaran, waxaana hadda 2da dhinac ee Jubbaland & DF ay isku haystaan cida lagu wareejinayo saraakiishii ciidanka DFS hogaaminaysay iyo askartii galay xadka dalka Kenya.
Jubbaland, ayaana doonaysa in dhammaan lagu wareejiyo ciidankii dagaalamay & saraakiishii u sareysay Raskamboni jooga ee DFS, sida lagu arkay baraha bulshada saraakiisha ayaa laga dhigay hubka markii ay xadka galeen, qaarkood oo dhaawacyo kooban qaba ayaana la daweeyey.
DF Soomaaliya, ayaa doonaysa in ciidanka & Askartan la geeyo goob leh garoon diyaaradeed oo dib loogu celiyo magaalada Muqdisho, taas oo ay dadaal badan galinayso.
Dhinaca kale qeyb kamid ah ciidamada xoogga dalka ayaa la xaqiijiyey in dhaawacyadooda saaka loo qaaday magaalada Kismaayo, iyadoo ay jiraan askar cusub oo miyiga u firxaday oo qaarkood cabsi laga qabo in ay kooxaha argagixiso gacanta u galeen.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada