Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku wajahan magaalada Raaskambooni

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku wajahan magaalada Raaskambooni

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku wajahan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta tegi doona Raaskambooni, iyadoo ay halkaasi gaareen taliyaha ciidanka lugta, saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaraha iyo ilaaladiisa gaarka, sida ay ogaatay Warbaahintu.

Raaskambooni oo maalmo kahor la wareegeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa noqoneysa xarunta ay dowladda dhexe ka hageyso qorshaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo isagu mar saddexaad isku doortay Kismaayo.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe, oo isagu dhawaan qabsaday doorasho markii saddexaad uu kusoo baxay hoggaanka maamulka.

Daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe taabacsan ayaa haatan ku sugan deegaan 40-KM u jira magaalada Raaskambooni, halka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ay heegan buuxa galeen, waxaana sareysa cabsida in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinac.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo kulan Deg deg ah la Yelaanaaya Abiya Axmed
Next articleTaliyihii Ka Horyimid Qorshaha Dowlada ee Jubaland oo Xilka Laga Qaaday