Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya, kaas oo la xiriiray kasii mid ahaanshaha howlgalka ka socda Soomaaliya.
Dowladda dhexe ayaa haatan ciidamada Itoobiya ka saartay howlgalka cusub AUSSOM oo bilaabanaya sanadka soo socda ee 2025-ka, sababo la xiriira xiisadda u dhexeyso labada dal ee ka dhalatay heshiiskii badda.
Tallaabadii ay shalay qaaday dowladda federaalka ayaa muujineyso inay dhaqan-gelisay go’aankeeda, kadib markii Itoobiya laga reebay shir Arbacadii lagu soo xiray magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan guda dalka.
Shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa ka qayb-galay waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya marka laga reebo Itoobiya, kaas oo socday intii u dhexeysay 30-ka Novermber ilaa 4-ta December ee sanadkan 2024-ka.
Waxaa shirka goobjoob ahaa taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee kala ah Djibouti, Uganda, Burundi iyo Kenya, iyada oo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 December 2024 iyo howl-galka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Sida qorshuhu yahay ciidamada ATMIS ayaa baxaya 31-ka bishaan December, waxaana halkaas ku cad in dhammaan askarta Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, maadaama aanay qayb ka ahayn howlgalka AUSSOM ee dalka ka bilaabanaya 2025-ka.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xun oo saameeyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu horraantii sanadkan Somaliland la galay heshiis ku saabsan badda, kaas oo ay carootay dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka