Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Diyaaradihii Nayroobi ee kismaanyo imaan jiray oo la hakiyay iyo axmed Madoobe…

Diyaaradihii Nayroobi ee kismaanyo imaan jiray oo la hakiyay iyo axmed Madoobe…

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland, xilli ay weli kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, amarkan ayaa toos loola wadaagay shirkadaha diyaaradaha oo lasiiyay digniin ah in aysan ka dagi karin Kismaayo marka ay ka baxayaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xayiraaddan kuma jirto duulimaadyada gudaha ee isku xirayo magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland ayaa horay iyaduna u qaaday tallaabooyin ay ku maamulineyso hawadeeda, iyada oo amaro dul-dhigtay diyaaradaha tega deegaanadeeda oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan Kenya uu booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza oo Kenya kala soo hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda kala dhexeeyo Jubbaland oo xiriir dhow laleh xukuumadda Nairobi.

Go’aankan lagu joojiyay duulimaadyada Nairobi iyoi Kismaayo ayaa sidoo kale kusoo beegmay, kahor qabashada xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay 25-kii bishii hore, balse waxaa diiday dowladda federaalka, taas oo sii hurisay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Kismaayo

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleAmar uu soo Saaray Axmed Madoobe oo Ka Shaqeyn Waayay Jubbland
Next articleHowlgal Culus oo laga Sameeyey Magaalada Muqdisho