Shir hal maalin ah oo lagu soo bandhigay isla markaana la isku dhaafsanayay doodo iyo aaraa ku saabsan garaadka macmalka ee afka qalaad lagu yiraahdo IA ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.
Shirka oo ay ka qaybgaleen xubno ka socday wasaaradda teknolojiyada Soomaaliya iyo khubaro dhinaca teknolojiga ah ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay robot leh garaadka macmalka ah.
Wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Cabdicasiis Xasan Axmed ayaana lahaa hindisaha lagu sameeyay robot-ka. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayuu sharaxay maskaxda robotka iyo sida uu u shaqeeyo
“AI Af-somali ah ayaa ku sameyay garaadkan macamalka, waxaana robot-kan la yiraah Garaad”
Cabdicasiis wuxuu sheegay in robotkan ka jawaabayo su’aalaha la weydiiyo kuna aqoonsanayo balse uusan wax dhaqdhaaq ah sameyneyen.Robot-kan ayaa ku shaqeynaya xogta internetka ku jirta wixii ka dambeeyay 2022-ka.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday