Warar kala duwan ayaa ka imaanaya Xaaladda Raas-Kambooni oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku suganyihiin kana samaysteen fadhiisimo ciidan.
Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay hawada ka saareen isgaarsiinta Raas Kambooni sida ay sheegayaan warar laga helay gobolka.
Jubbaland ayaa xalay soo saartay amar ka dhanka ahaa diyaardaha ka digayay Raas Kambooni maalmihii la soo dhaafay iyada oo ku hanjabtay in ay qaadi doonto tilaabo adag.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in ciidamo la rabay in ay gaaraan Raas Kamboobi maanta oo laga qaadi lahaa Xamar dib u dhac uu ku yimid.
Ra’iisulwasaare Xamse ayaa maanta markale eed xoogan u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe, asaga oo sheegay in ciidmada Jubbaland qaar ka mid ah ay dhanka dowladda ku soo biireen.