Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri...

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah

0

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah. Wuxuu ku eedeeyay xisbiga mucaaradka dalka ugu weyn in uu curyaamiyay dowladda ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha oo xukumo maamul laga tiro badan yahay ayaa waxaa culeys ka haystay in miisaaniyadiisa ansixiyaan xildhibaanada.

Hadal uu waqti dambe habeenkii ka jeediyay telefishinka ayuu ku eedeeyay xildhibaanada kalitalisnimo iyo in ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan dimuqraadiyada.

Mr Yoon ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dalka.

Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen.

Maamulka madaxweyne Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda sidaasina waxaa u sheegay BBC afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka.

Weli madaxweyne Biden kama hadal xukunka militeri uu ku dhawaaqay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Digniin U dirtay Axmed Madoobe
Next articleTirada ku dhimatay ciid soo duntay dalka Uganda oo aad u korartay