Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowa Yuusuf Raage ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Taliska Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaalla Muqdisho.
Jeneraal Odawaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Danab G/Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen, waxaana la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa ugu horayn kormeeray xafiisyada Taliska Guutada 16-aad ee Danab, isagoo mid mid u xogwaraystay saraakiisha ka howlgasha taliska.
Xubno xog badan ka haya kulamadii galabta ka dhacay taliska Danab ayaa Caasimada Online u sheegay in Jeneraal Odawaa uu Taliyaha Danab kala hadlay sida ugu fudud ee loo soo afjari karo Shabaab-ka weli ku sugan deegaano ka tirsan Galmudug.
Taliyaha Xoogga ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu siinayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceelbuur iyo tuulooyin kale oo muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.
Jeneraal Odawaa ayaa taliyaha Danab faray inay dhaqaaqaan oo ka howlgalaan inta u dhaxeysa Galgaduud iyo Sh/Dhexe, iyadoo muhiimadda koowaad la siinayo duqeymaha, si buu yiri khasaaraha iyo khatarta ciidanka soo wajihi karta loo yareeyo.
Dhinaca kale, Taliyaha Xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay diray ciidan iyo saraakiil la howlgelaya ciidamada dadka deegaanka ee ka dagaalamaya aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo dhowr deegaan maanta ka xoreeyey Al-Shabaab.