Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolkaasi uu ka qarxay aagga deegaanka Raaskambooni.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
“Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland”.
Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya ay haatan go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi.