Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta mar kale dib loo doortay ayaa ka hadlay guushiisa iyo arrimo ku aadan khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.
Ugu hooreyn Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo kaliya uu Jubbaland madaxweyne ka yahay maanta kadibna aanay jirin dooni cid kale oo sheegan karta.
“Xasan Sheekh Jubaland ayuu Xasuusinayaa wixii uu ku sameeyey 2013-kii,Aniga ayaa madaxweyne ka ah Jubaland cid kale oo sheegan karto majirto Wada hadal oo kaliya ayaana Ogolahay,” ayuu yiri madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo tilmaamay in dagaal aanay waxba uga qaadi karin.
Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa si gaar ah ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo maamulkaasi, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in loo adeegsado deegaankiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo si weyn ay dowladda dhexe u diidan tahay dib u doorashada Axmed Madoobe, iyada oo horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulkiisa.