Home Wararka Somaliya Hirshabeelle War Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Markale la doortay Madaxweynaha Jubaland

War Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Markale la doortay Madaxweynaha Jubaland

0

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, kuwaas oo malxiis uun u ahaa Axmed Madoobe.

Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay hoolka doorashada ayaa u mahadceliyay xildhibaannada doortay, wuxuuna ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay aqoonsiga dowladda federaalka ayaa waxa uu tilmaamay in aanay waxba uga baahneyn dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogtay doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Ciidamada Dowlada ee Ku sugnaaa…