Home Wararka Somaliya Hirshabeelle ATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka doorashada ee ka...

ATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka doorashada ee ka taagan Kismaayo

0

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen eedo loo jeediyay, kuwaas oo ku aadan ku lug lahaashahooda muran xooggan oo salka kui haya doorashooyinka Jubbaland oo ka taagan magaalada Kismaayo.

ATMIS ayaa warkeeda ku tiri: “ATMIS waxay hoosta ka xariiqeysaa dhexdhexaadnimadeeda iyo eex la’aanteeda ku aadan nidaamyada doorashooyinka Soomaaliya oo uu ka mid yahay kan lagu muran san yahay ee ka socda Jubbaland,”.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan muran ku aadan doorashada madaxweynaha Jubbaland, iyada oo mucaaradku ay ka soo horjeedaan nidaamka doorashada ee ay qabanayaan guddi uu magacaabay maamulka Jubbaland ee haatan talada haya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda sida wax u socdaan.

Shalay ayaa qayb ka mid ah mucaaradku waxay ku dhawaaqeen “in ay madaxweyne doorteen”.

Dhanka kale waxaa iska hor imaad uu dhexmaray ilaalada mid ka mid ah musharrixiinta Kismaayo iyo ciidamada booliska ee Jubbaland, waxaana ku dhintay hal ruux oo ilaalo u ahaa musharraxa.

Ad
Previous articlePutin oo Wacad ku maray in mar kale isticmaali doono gantaalo cusub