Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Soomaali Badan oo Halmar Ku dhintay Badda ayagoo Tahriib ahaaa

Soomaali Badan oo Halmar Ku dhintay Badda ayagoo Tahriib ahaaa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil argagax leh oo ka dhacay xeebaha waqooyi galbeed ee Jasiiradda Madagaskar, kadib markii ay ay ku dageen laba doonyood oo siday muhaajiriin ay ku jiraan kuwa Soomaali ah.

Ugu yaraan 28 qof oo ah muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka dhintay, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay.

Shilka aya ayimid, kadib markii labada doonyood oo siday illaa 66 rakaab ah ay ka baxeen Soomaaliya 2-dii bishaan Novermber, iyaga oo kusii jeeday jasiiradda Mayotte ee uu maamulo Faransiiska.

Howlgal ay sameeyeen kuluumeysatada Malagasy ayaa waxaa muddo kadib lagu helay mid ka mid ah doonyaha, waxayna keeneen halka loo yaqaano Nosy Be.

Sidoo kale waxaa lasoo bad-baadiyay illaa 48 qof oo hadda ku jira xarumaha caafimaadka Madagaskar, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

Ad
Previous articleCiidamada Itoobiya oo Diiday inay Dagto Diyaarad Waday Wafdi kasocday Villa Soomaaliya
Next articleTurkiga oo Muujiyay Rajo ay ka qabaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro