Wafdi kasocday dawladda Faderaalka, oo ay ku jiraan xubno kamid ah maamulka gobalka Gedo oo kasoo duulay Muqdisho, kuna dagi lahaa garoonka diyaaradaha ee Garbahaaray ayaa loo diiday in ay dagaan.
Wafdigan oo ay ku jiraan xubno kasocda Villa Somalia, watayna diyaarad milateri ayay ciidanka Itoobiya diideen in ay dagto, iyagoo sheegay in aysan amnigooda damaanad-qaadi karin, oo ay tahay in ay dib ugu laabtan magaalada Muqdisho.
Sida ay warar hoose sheegayaa dhinaca madaxtooyada Kismaayo ayaa si xoogan uga shaqeysay in xubnahan laga cesho magaalada Garbahaaray, sabab la xariirta in ay bilaabi lahaayeen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Jubbaland.
2 maalin kahor, ciidanka Itoobiya ayaakasoo celiyey Doolow 6 xubnood oo ay ku sheegeen saraakiil katirsan ciidamada DFS oo kusii jeeday Jubbadda Hoose.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka