Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Illaa 169 Xildhibaan ayaa ogolaatay xeerkan, waxaana diiday laba mudane, halka uu ka aamusay hal xildhibaan, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta oo ahayd gacan-taag.
Intaas kadib Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo goobjoog ah kulanka ayaa labada aqal ee Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.
Labada gole ayaa horay u meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbyada iyo sidoo kale xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay horkaceyso Villa Soomaaliya, ayna kula heshiiyeen qaar kamid ah maaullada dalka.
Qorshahan oo dhaliyay xiisad siyaasadeed oo xoogleh ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo marayo doorashooyinka qof iyo codka ah ay qaldan tahay, kana imaaneyso dastuurka KMG ah.
Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda haatan taagan oo saameynteeda si weyn looga dareemayo gudaha dalka.