Home Wararka Somaliya Hirshabeelle War Deg Deg ah:Dagaal ka Qaraxay Kismaayo

War Deg Deg ah:Dagaal ka Qaraxay Kismaayo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ilaalada mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa hadda istaagay, wuxuuna si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay ciidanka Booliska Jubbaland iyo kuwa kale oo taabacsan Senator Ilyaas bedel Gaboose oo dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidanka Jubbaland ayaa lasoo wariyay in ay dileen mid kamid ahaa askarta ilaalada ee musharraxa Gaboose, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu gaystay khasaare kala duwan, oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeya mucaaradka iyo ciidanka Axmed Madoobe.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Jubbaland iyo dhinaca musharixiinta mucaaradka oo ku aadan gacan ka hadalka ka dhacay halkaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMaraykanka oo Si Cara leh uga Hadlay Xariga Lagu Xukumaya Natayaahuu
Next articleNinkii Boosaaso ku Dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika oo Saakay la Dilay